LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Atariishada Student Of The Year 2 Tara Sutaria Oo Amaan Kala Dul Dhacday Aktarkan Iyadoo Ku Tilmaamtay Inuu Yahay Aktarka Ugu Shidan Bollywood-Ka ( Haddaba Waa Kuma Aktarkaas)

Atariishada dhalinta yar ee lagu magacaabo Tara Sutaria waxayna ka mid tahay atirishooyinka jiilka cusub ee Bollywood-ka gaalan galka ku leh.

Tara Sutaria weli filim tiyaatarada looma saarin laakiin gabadhaan waxaa u diyaarsan labo filim oo hadal heyn xoogan xambaarsan kuwaas oo kala ah Student of The Year 2 oo ay Tiger Shroff iyo Ananya Pandey la jileyso lana daawan doono bisha May gudaheeda iyo Marjaavaan oo ay dhawaan duubistiisa soo idleesay waxaana la jilayaan Sidharth Malhotra iyo Retiesh Deshmukh waxaana la daawan doonaa 2 October 2019.

haddaba atariishadan ayaa dhawaanahan waxa ay ku mashquulsan tahay xayeesiin u samaynta filimkeeda Student Of The Year 2 waxaana atariishadan ay si weyn ula fal-gashay saxaafada dalka india

waxaana Tara Sutaria ay shaacisay aktarka ay ka taageerto gudaha bollywoodka iyadoo sheegtay inay si weyn u taageerto aktarka lagu magacaabo Hrithik Roshan iyadoo ku sheegtay Hrithik inuu yahay aktarka ugu shidan gudaha bollywoodka

Tara Sutaria oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa ay tiri ” waxaaa hubaal ah Hrithik Roshan inuu yahay macalin weyn ama macalin shidan isaga waa shaqsiga igu dhaliyay inan fanka kusoo biiro waxaana si weyn ugu helaan muuqaalkiisa iyo dhoolacadayntiisa”

Tara Sutaria ayaa hadda waxa ay Tiger Shroff kula biirtay taageerida aktarka Hrithik maadama Tiger isagana uu hore u shaaciyay inuu fanka ka taageero aktarka Hrithik Roshan filimka Student Of The Year 2 waxaa la daawan doona 10 bishan may ee sanadkan

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII