CR7 Waa 1aad, Messi Waa 3aad – ESPN Oo Soo Saartay 20ka Xiddig Ee Ugu Caansan Isboortiga Caalamka Sannadkan 2019

0
1
powered by Surfing Waves

Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar ayaa dhamaantood ka soo muuqday liiska ESPN ee 20ka ciyaaryahan ee isboortiga caalamka ugu caansan sannadkan 2019.

Hilinka laga leeyahay Mareykanka ayaa seddex qiimeeyn sameeyay markii ay soo xulayeen liiska 20ka xiddig ee ugu caansan isboortiga sannadkan.

Sida ay sheegeen ESPN, liiska waxaa lagu saleeyay seddex qeybood oo kala ah, lacagaha xayaysiinta ay ciyaartoyda helaan, sida magacooda looga baaro internet iyo weliba inta taageerayaal ee ay baraha bulshada ku heystaan.

Lacagaha xayaysiinta ay ka heleen sannadkan 2019 waxaa soo uruurintooda iska kaashaday ESPN iyo majalada dhaqaalaha Forbes, halka sidoo kale ay soo uruuriyeen xogta inta jeer ee magacooda lagu raadiyay Google.

Halka taageerayaasha ay ku leeyihiin baraha bulshada laga soo qaatay akoonkooda ugu taageerayaasha badan.

20 – Novak Djokovic (Tennis)

19 – Mesut Ozil (Kubada cagta)

18 – Yuvraj Singh  (Cricket)

17- Serena Williams (Tennis)

16 – Antoine Griezmann (Kubada cagta)

15 – Khabib (MMA)

14 – Kylian Mbappe (Kubada cagta)

13 – MS Dhoni (Cricket)

12 – Paul Pogba (Kubada cagta)

11 – Kevin Durant (NBA)

10 – Tiger Woods (Golf)

9 – Stephen Curry (NBA)

8 – Rafael Nadal (Tennis)

7 – Virat Kohli (Cricket)

6- Roger Federer (Tennis)

5 – Conor McGregor (MMA)

4 – Neymar (Kubada cagta)

3 – Lionel Messi (Kubada cagta)

2 – LeBron James (NBA)

1 – Cristiano Ronaldo (Kubada cagta)

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here