HAL-XIDHAALE: Waa Maxay Sababta Liverpool Ay Uga Walaacsan Tahay Ciyaarta Manchester United iyo Barcelona Ee Tartanka Champions League?

0
45
powered by Surfing Waves

Liverpool ayaa imtixaankii ugu fududaa ee tartanka Champions League mari doonta marka ay ka hor tagto FC Porto oo ay isku beegmeen wareegga siddeed dhamaadka, halkaas oo durba ay ka bilaabantay saadaasha ah in Reds ay lug kula sii jirto wareegga xiga ee semi-finalka.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Klopp ayaa ka badbaadday kooxaha awoodda badan sida Barcelona, Manchester City iyo Juventus, hase yeeshee haddaba waxay kasii walaacsan tahay semi-finalka oo haddii ay soo gudubtay ay la ciyaari doonto Manchester United iyo Barcelona midkooda soo adkaada.

Sida lagu sii qeexay isku-aadkii Jimcaha lagu sameeyey magaalada Nyon, haddii Liverpool ay soo baxdo, waxay kulanka koowaad marti u noqon doontaa Barcelona ama Manchester United midkooda soo baxa, lugta labaadna waxa loogu iman doonaa Anfield, laakiin arrintani way isbeddeli doontaa haddii ay Manchester United soo baxdo.

Sida uu sharcigu dhigayo, laba kooxood oo isku magaalo ah ma awoodi doonaan inay tartamada Yurub isku hal habeen ku ciyaaraan garoomadooda, amaba laba habeen oo isku xiga, sidaa daraadeed, haddii Manchester City iyo Chelsea kasoo gudbaan kooxaha ay la ciyaarayaan Champions League iyo Europa League, waxay wareegga semi-finalka kulamada hore u safri doonaan dibedda, halka ciyaaraha labaadna ay garoomadooda joogi doonaan.

Sidaa darteed, haddii Manchester United iyo Liverpool soo baxaan, waxa la kala ilaalin doonaa inay isku hal habeen garoomadooda ku ciyaaraan labada Manchester, taasina waxay qasab ka dhigi doontaa in Liverpool ay ciyaarta hore garoonkeeda joogto, ta labaadna Manchester tagto.

Sharcigani wuxuu bilowgaba saamaynayaa Manchester United iyo Arsenal oo ay ahayd in kulamada hore ay Barcelona iyo Napoli u tagaan, laakiin markii ay City iyo Chelsea soo gudbeen iyaguna ay dibedda ku qornaadeen ciyaaraha hore, waxay UEFA beddeshay kulamadii United iyo Arsenal oo kulamada hore garoomadooda joogi doona, kuwa labaadna bixi doona.

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here