Kala Sareynta Gool Dhalinta Champions league-ga Salah iyo Cristiano Ronaldo oo Boosas Feecan soo galay

Tartanka champions League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo ay haatan dhamadka wareega Group-yada ka dhimantahay hal kulan iyada oo ay xiddigo badan isku bacsanayaan gool dhalinta.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo xiddiga kooxda Ajax ee Sebstien Haller ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Labada xiddig ayaa ilaa haatan dhaliyay 9 gool 5-tii kulan ee Champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xiddiga kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku ayaa ku xiga isaga oo dhaliyay 7 gool 5-tii kulan ee uu kooxdiisa u ciyaaray tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

  1. Robert Lewandowski (Bayern Munich): 9 gool
  2. Sébastien Haller (Ajax): 9 gool
  3. Christopher Nkunku (RB Leipzig): 7 gool
  4. Cristiano Ronaldo (Manchester United): 6 gool
  5. Mohamed Salah (Liverpool): 6 gool
  6. Karim Benzema (Real Madrid): 5 gool
  7. Pedro Goncalves (Sporting de Portugal): 4 gool
  8. Leroy Sané (Bayern Munich): 4 gool .
  9. Riyad Mahrez (Manchester City): 4 gool

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

Source: .

Halkaan Riix Wararka Ciyaaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII