LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kangana maxaa daba dhigay Hrithik madaama markaana filimkeeda Mental Hai Kya isku dhici doonaan Super 30

Atirishada Kangana Ranaut inay dagaal dabiic ah kula jirto Hrithik Roshan cidna ma moogo balse haatan xidigtan si gaar ah ayay u daba dhigatay kadib markii shaaca laga qaaday in filimkeeda Mental Hai Kya la daawan doono 26 July 2019 waxaana horey xiligaas u calaameestay Hrithik Roshan filimkiisa Super 30.

Kangana bilawgii sanadkan waxay Hrithik kasoo racadeesatay maalinta Jamhuuriga Hindiya madaama filimkeedii Manikarnika tiyaatarada la saaray 25 Jan 2019 halka Hrithik filimkiisa Super 30 dib u dhigtay asigoo 26-ka July doortay laakiin haatan wey ka daba tagtay ayadoo filimkeeda Mental Hai Kya atirishadan shaacisay in 26-ka July la daawan doono waxaana loo arkin arin ay Hrithik Roshan ku daan daansaneyso.

Ekta Kapoor oo soo saare ka ah filimka Mental Kya Hai oo ay wada jilayaan Kangana Ranaut iyo Rajkumar Rao waxay tiri “Suurtagal inooma ahan in filimkeena Mental Kya Hai la daawado 21 June sidaa darteed 26 July ayaa la daawan doonaa wana go’aan arimo ganacsi ku xeen daaban ee arimo kale iyo dagaal dad gaar ah ka dhaxeeyo kuma saleesno.”

Waxaan sugnaa jawaabta ay bixin doonaan Hrithik Roshan iyo kooxdiisa filimka Super 30 madaama ay horey Kangana uga soo tageen 26 Janaayo bilawgii sanadkan una dhaafeen in filimkeeda Manikarnika la daawado haatana ay ka daba timid ayadoo filimkeeda Mental Kya Hai wadato waana arin aan wanaagsaneyn kana dhalan karo in dagaalkooda dhanka saxaafada la isku adeegsan jiray dib usoo celiyaan labadan jilaa oo Bollywood-ka awood ku leh.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII