LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Liiska Kooxaha Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Wareega Group-yada Champions League

Ilaa hadda 15 kooxood oo ka tirsan horyaalada Yurub ayaa si rasmi ah ugu soo baxay heerka guruubada UEFA Champions League ee xili ciyaareedka cusub ee soo socda.

Horyaalka Premier League ayaa noqday horyaalkii ugu horeeyay ee ay afarta kooxood ee ugu sareeyaa si rasmi ah u xaqiijisteen kaalmahooda UEFA Champions League ee xili ciyaareedka soo socda.

Manchester City oo koobka Premeir League ku guulaystay, Liverpool oo kaalinta labaad ku dhamaysatay, Tottenham iyo Chelsea oo kaalmaha saddexaad iyo afraad ku guulaystay ayaa dhamaantood u soo baxay  UEFA Champions.

Laakiin kooxaha Man Uited iyo Arsenal ayaa seegay afarta sare taas oo la micno ah in ay Europa League u soo baxeen balse Arsenal ayaa wali ku dagaalamaysa ku guulaysiga Europa league oo ay wali ugu soo bixi karto Champions League.

Tottenham iyo Liverpool midii ku guulaysata Champions League ayaan waxba ka badali doonin kooxaha u soo baxaya Champions league laakiin waxay kooxda ku guulaysata koobku qayb ka noqon doontaa Pot1 oo hogaamin doona isku aadka tartankan.

Horyaalka Spain saddex kooxood ayaa haddaba booskooda heerka groupyada Champions leauge u soo baxay waxayna kala yihiin Barcelona, Atletico Madrid iyo Real Madrid waxaana booska afraad lagu kala bixi doonaa maalinta ugu danbaysa La Liga.

Horyaalka Germany ee Bundesliga saddex kooxood ayaa haddaba si rasmi ah u xaqiijistay ka qayb galkooda Champions league ee xili ciyaareedka soo socda waxayna kala yihiin Bayern München, Dortmund iyo Leipzig.

Horyaalka France ilaa hadda kooxda Paris Saint-Germain ayaa booskeeda  Champions league ee xili ciyaareedka soo socda xaqiijiatay halka kooxda LOSC Lille ay tahay kooxda dagaalka ugu culus ku jirta ee ay soo bixi karta.

Laakiin horyaalka France ayaa koox saddexaad oo dheeraad ah heli doona haddii ay Chelsea ku guulaysato koobka Europa League sida ay UEFA xaqiijisay halka haddii ay Arsenal ku guulaysato Europa League ay France laba kooxood oo kaliya helidoonaan.

Horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus oo koobka ku guulaysatay iyo Napoli ayaa xaqiijistay booskooda Champions League waxaana jira laba kaalmood oo wali loo dagaalamayo.

Haddaba halkan kaga bogo Kooxaha Sida Ay Hadda U Taagan Tahay U Soo Baxsan UEFA Champions League iyada oo kuwa khadka madow lihi ay yihiin kuwa sida rasmiga ah u soo baxay:

SPAIN: BarcelonaAtlético Madrid, Real Madrid, Valencia

ENGLAND: LiverpoolManchester CityChelsea, Tottenham.

ITATLY: JuventusNapoli, Atalanta, Inter Milan

GERMANY: Bayern MünchenDortmundRB Leipzig, Borussia Mönchengladbach

FRARNCE: Paris Saint-Germain, LOSC Lille

RUSSIA: Zenit, Lokomotiv Moskva

PORTUGAL: Benfica

UKRAINE: Shakhtar Donetsk

BELGIUM: Genk

TURKEY: Galatasaray

AUSTERIA: Salzburg

26 kooxood ayaa si toos ah ugu soo bixi doona heerka guruubyada Champions league iyada oo ay ka mid noqon doonaan kooxda ku guulaysta Europa League halka lix kooxood ay isreeb reeb ku soo gudbi doonaan.

Ilaa hadda 15 kooxood oo ka mid ah 32 ka kooxood ee isku aadka Champions League loo samayn doono ayaa booskooda si rasmi ah u xaqiijistay halka kooxo kale ay wali dagaal ku jiraan.

Min afar kooxood ayaa heerka groupyada Champions League ugu soo bixi doona horyaalada England, Spain, Germany, Italy iyo France halka Russia ay u soo bixi doonaan labada kooxood ee kaalinta kowaad iyo labaad ku dhamaystaa waxaana sidoo kale soo bixi doona kooxaha ku soo guulaysta horyaalada Portugal, Ukraine, Belgium iyo Turkey.

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII