LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macluumaad Ku Saabsan Bisha Ramadaan Iyo Waxyaabaha Yar-Yar Ee Soonka Marna Jabiyaan Marna Aan Jabineyanin!!

Waa markale iyo barnaamijkeena macluumaad ku saabsan bisha RAMADAAN waxaana qeybta maanta kaga hadleena waxyaabaha yar yar ee marna soonka jabiyaan marna aan jabineein iyo waxyaabaha ajarka soonka yareeyaan hoos kaga bogo:

Daawada Ilkaha lagu cadeydo: hadii daawada ilkaha mid culus tahay oo caloosha u gudbeyso ma banaano in lagu cadeesto balse hadii ay tahay mid yar oo qafiif ah inyarna ku cadeysaneyso wey banaantahay.

Candhuufta iyo Xaaqada: candhuufta soonka ma jabiso waa la isku waafaqay balse xaaqada inee jabiso markii la liqo waa la isku qilaafay asalna waxaa sugan in aysan jabineynin oo candhuufta lala samiy balse adiga waxaa kuu fiican wixii muran kujira inaad ka tagtin iska tuf hadiiba kaa timado xaaqo iyo candhuufba.

Cuntada la dhadhamiyo: hadii xaajo laga furan waayo keento waa la dhadhamin karaa balse ka ilaali in calooshada u gudubto hadii ay u gudubtana dhib maleh ileen qasab ayee noqotay markii hore in la dhadhamiyo.

Ninka xaaskiisa la ciyaaro: wey banaantahay ninka isagoo sooman inuu xaaskiisa dhunkado lana ciyaaro balse waa in shahwo ama biyo ka imaaneenin hadii wax biyo ka imaadaan soonkii wuu jabay.

Cadayga iyo is qurxinta: midna ma jabiyo soon sidaa doonto ayaa u cadeysan kartaa iskuna qurxin kartaa maalin iyo habeen bisha soon balse carafta sanka laga qaato afke u gudbe caloosha ayeena sii galayaan midaasna soonka wey jabineysaa.

Weysada Sanka biyaha laga qaato: waa sunna in markii la luq luqanaayo sanka biyaha laga qaato balse qofka soomaan looma ogola waana xadiith-ka Nabiga SCW ka sugnaaday oo loo daliishanaayo dhamaan qodobada sare.

Waxuu yiri suubanaha,”sanka biyaha gaarsiiya markaa weyseysaneysaan qof sooman mooyee”

Xanta iyo isku dirka dadka: ma jabiyaan soonka balse waxay yareeyaan ajarka laga heli lahaa soonka maalintaas Nabiga SCW waxuu yiri,”qofkii aan ka tagin hadalkiisa xun iyo dhaqankiisa xun Alle dan kama lahaan qofkaas ka tagiska uu ka tagay Cunnada iyo Cabida kaliya.”

Marqaati Beenaale: waa mid kamid ah dambiyada ugu waaweyn ileen qofka waxuusan ka war qabin ayuu marqaati ka noqday qofkaas soonak kama jabaayo sida sugan balse ajarkii soonka waa nusqaamayaa.

Cuntada Xadhaafka Ah Ee La Diyaariyo: soonka ma jabiso cuntada xadh dhaafka ah ee xiliga afurka la diyaariyo sido kalena cuntadaas sida qurxan loo diyaariyay aadka ubadana soonak ajarkiisa ma yareeso.

Balse waxaa wanaagsan in aan la xad gudbin waayo Alle waxuu yiri,”cuna oo caba hana xad gudbina” hadiiba cuntada badantahay waxaa wanaagsan in la sadaqeesto qeyb kamid ah intiia y baryi lahed ama halaawi lahed dadkale halagu afuriyo.

Lasoco Qeybta Afaraad Fadliga Soonka Iyo Cibaadada La Sameeyo…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII