LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Miyuu Aguero Ka Careysiiyay Lionel Messi Markii Uu Ka Hadlay Xiddiga U Qalma Ku Guuleysiga Ballon d’Or?

Lionel Messi ayaa ku riyaaqay sannad fiican isagoo dhaliyay 48 gool tartamada oo dhan islamarkaana horyaalka La Liga la qaaday kooxda Barcelona.

Laakiin rajadii Barcelona ee Champions League ayaa burburtay markii ay guuldarro ka soo gaartay Liverpool wareegii afar dhamaadka, sidaasi oo ay tahay dad badan ayaa ku doodaya in Messi uu weli yahay xiddiga ugu fiican sannadkan 2019.

Waana ay adag tahay in la arko ciyaaryahan kale oo heerkiisa soo gaaraya inta sannadka ka harsan.

Laakiin Messi ma heli doono taageerada saaxiibkiisa Sergio Aguero ee abaalmarinta Ballon d’Or.

Weeraryahanka Manchester City iyo xulka Argentina Sergio Aguero ayaa aaminsan in Ballon d’Or ay tahay inuu ku guuleystay ciyaaryahan ka soo muuqda finalka Champions League.

Sidaasi darteed waxa uu abaalmarinta Ballon d’Or ku taageerayaa xiddig u ciyaara Liverpool ama Tottenham sannadkan.

“Waxaan qabaa si aad ugu guuleysato Ballon d’Or waa inaad gaarto finalka Champions League, wax kasta oo dhaca” ayuu yiri Aguero.

Markii uu Aguero warbaahinta ka akhriyay inuu Messi oo ugu cadcad abaalmarinta sannadkan ilaaway, ayuu ka noqday hadalkiisa si uusan uga careysiniin ninka ay isku fiican yihiin ee Messi.

“Ma jecli inaan hadlo oo aan wax kala cadeeyo laakiin markii hadalo aanan dhihin dusha la iga saaro, waan ku qasbanahay inaan hadalo” ayuu Aguero soo dhigay boggiisa Twitter.

“Si aan hadaba wax u cadeeyo, mar walbana waan sheegaa arintaan, ilaa iyo inta uu Messi ciyaarayo isagaa u qalma abaalmarinta Ballon d’Or.”

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII