LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

NAXDIN: Garsooraha Final-ka Champions League Oo La Shaaciyay & Taariikhda Kulamadii Uu Soo Garsooray Liverpool Oo WADNE XANUUN Ku Ah Jamaahiirteeda.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsooraha dhex dhexaadin doona Final-ka tartanka xiisaha badan ee Champions League oo sanadkan dhex mari doona kooxaha ree England ee Liverpool iyo Tottenham.

Liverpool ayaa markale kusoo najaxday xilli ciyaareedkan tartanka horyaalada Yurub iyaga oo ugu horreynba kasoo gudbay Group-kii adkaa ee ay kula jireen kooxaha PSG iyo Napoli.

Intaa kaddib kooxda Jurgen Klopp ayaa soo garaacday kooxaha Bayern Munich, Porto iyo Barcelona si ay u gaadho Final-ka ka qabsoomi doona Madrid 1-da bisha dambe.

Reds ayaa maanka ku haya inay kasoo kabtaan dhibaatadii xilli ciyaareedkii hore ku gaadhay Final-ka Champions League markaas oo ay guuldarro kala kulmeen Real Madrid waxaana ay haatan rajaynayaan inay dhaafaan Tottenham.

Liverpool ayaa kulankaas geli doonta iyaga oo ah kuwa ugu cad cad ee hanan kara tartanka markoodii lixaad balse magacaabista garsoorka ayaa ah mid aan ka farxin iyo qalbi jab haatanba kusii ridaysa.

Garsooraha kulankaas loo xil saaray ayaa ah Damir Skomina kaas oo xog wanaagsan aysan ka haysan Liverpool iyaga oo kaliya hal kulan soo guuleystay afar kalena laga adkaaday guud ahaan shan kulan oo uu soo garsooray kulamadeeda.

Natiijooyinka Kulamadii Uu Liverpool Soo Garsooray Garsoore Skomina

Liverpool 1-2 Fiorentina (09/12/2009)

Besiktas 2-1 Liverpool (26/02/2015)

Villarreal 1-0 Liverpool (28/04/2016)

Roma 4-2 Liverpool (02/05/2018)

Liverpool 1-0 Napoli (11/12/2018)

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII