LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Patrice Evra Oo Niyad Jabiyay Jamaahiirta kooxdiisii Hore Ee Manchester United, Paul Pogba Oo Uu Kula Taliyay Inuu Baxo & Sababta Oo Uu Sharraxay.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa ka warramay mustaqbalka xiddiga kooxdiisii hore ee Paul Pogba oo ay soo wadaageen qolalka labiska ee United, Juventus iyo xulka qaranka France.

Pogba ayaa soo dhalaalay labadii bilood ee ugu horreeyay ee uu kooxda joogay tababare Ole Gunnar Solskjaer balse waxa uu xaalado adag soo maray qaybtii hore ee xilli ciyaareed niyad jab ku ahaa Manchester.

Pogba ayay sii socdaan wararka la xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid waxaana kamid ah shaqsiyaadka qaba inuu kooxda ka tagayo Evra oo sheegay sababta ay tahay inuu u baxo.

Halyeey Patrice Evra oo u warramayay Sky Sports ayaa sheegay inay tahay in Paul iskaga tago Old Trafford maadaama oo ay ku hareeraysan yihiin waxyaabo badan oo xun isagoo sidoo kale si dadban u dhaliilay jamaahiirta kooxda.

Evra ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu (Pogba) tagi doono, Sababtoo ah waxaad u baahan tahay inaad dareento jacaylka marka aad meel ak ciyaarayso, Waxaad u baahantahay inaad noqoto mid ay ka go’an tahay”

“Haddii uu Paul go’aansado inuu joogo sanad kale oo uu kaddib baxo, Ama uu joogo dhawr sano oo kale laga yaabaa in jamaahiirtu ay jeclaato sababtoo ah way ka go’antahay”

“Markaan tago kulanka ee aan arko jamaahiirta oo ku qaylinaya una dhaaranaya ciyaartoya waan argagaxaa, Wakhtigaygii waxaad ciyaari karaysay kulanka ugu xun noloshaada waynu kuu sacabinayeen”

“Waxaan xasuustaa anaga oo 4-1 ugu guuldaraysanayna Liverpool garoonkayaga iyaguna wali way heesayeen, Kuwaasi waa jamaahiirtii United ee aan garanayo”

“Anigu uma hadlo Pogba, Haddii uu joogayo ama uu tagayo, Laakiin marka aad haysato xumaan adiga kugu hareeraysan, Waa inaad tagtaa”

Kulankii Axadii ee Cardiff City kaddib ayay jamaahiirta Man United ee kasoo xaadiray Old Trafford qaarkood si xun u af-lagaadeeyeen Pogba.

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII