LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Garsooraha Qaban Doona Kulanka Finalka Champions League Ee Liverpool vs Tottenham Oo La Shaaciyay

Damir Skomina ayaa la xaqiijiyay inuu noqon doono garsooraha kulanka finalka Champions League ee kooxaha Liverpool iyo Tottenham ku dhexmaraya magaalada Madrid 1da bisha Juun.

Kooxda Reds ayaa ka soo kabsatay guuldarro 3-0 ah lugtii hore ee semi-finalka iyagoo 4-0 ku garaacay Barcelona lugtii labaad halka Lucas Moura uu Spurs u soo saaray finalka markii uu seddexleey ka dhaliyay Ajax lugtii labaad ee semi-finalka.

Labada kooxood ayaa ku kulmaya garoonka Wanda Metropolitano, iyadoo UEFA ay xaqiijisay goor dhaweyd in Skomina uu noqon doono garsooraha ciyaarta finalka.

Waxa uu garsoore ka ahaa xilli ciyaareedkan afar kulan oo Champions Leagu ah oo ay ku jirto kulankii ay Liverpool 1-0 kaga badisay Napoli ee Anfield ka dhacay ee wareega group-yada.

Skomina waxa uu sidoo kale garsoore ka ahaa kulankii ay Manchester City ka badisay Hoffenheim iyo kii ay Real Madrid guusha ka gaartay Ajax.

Laakiin kulankii muranka dhaliyay ee uu dhexdhexaadiyay waxa uu ahaa kulankii ay Manchester United 3-1 kaga badisay Paris Saint-Germain ee wareega 16ka.

Daafaca PSG Presnel Kimpembe ayaa darbo uu soo tuuray Diogo Dalot waxa ay kaga dhacday garabka, garsoore Skomina ayaa la kaashay muuqaal caawiyaha VAR waxaana uu United u dhigay rigoore u soo saartay wareega sideed dhamaadka.

42 jirkaan ayaa sidoo kale garsoore ka ahaa kulankii semi-finalka ee ay Liverpool guuldarada ka soo gaartay Roma xilli ciyaareekii hore, taasoo aan ka celinin inay u soo baxaan finalka Champions League, waxa uu sidoo kale garsoore ka ahaa koobkii Europa League ee ay Man United qaaday 2017.

Garsoorayaasha finalka Champions League:

Garsoore : Damir Skomina (Slovenia)
Caawiyayaal garsoore : Jure Praprotnik, Robert Vukan (Labadaba Slovenia)
Garsooraha afaraad : Antonio Mateu Lahoz (Spain)
Garsooraha VAR : Danny Makkelie (Netherlands)
Caawiyayaasha VAR : Pol van Boekel (Netherlands), Felix Zwayer (Germany)
Garsooraha offside-ka VAR : Mark Borsch (Germany)

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII