LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RASMI: Tababarihii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday Ee Premier League Oo La Magacaabay

Ururka tababarayaasha Premier League ee LMA ayaa u magacaabay tababarihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii dhamaadka ee Premier League macalinka Manchester City Pep Guardiola.

48 jirkaan ayaa abaalmarintaan ku guuleystay sannadkii labaad oo isku xigta ka dib markii ay kooxdiisa ka difaacatay horyaalka Premier League kooxda Liverpool.

Intii uu maamulayay Guardiola, waxa ay City uruursatay 98 dhibcood waana tradii ugu badneyd ee dhibcaha Premier League, waxaa kaliya ka badan rikoor ay hore u dhigtay isla Man City.

Isagoo markii labaad oo isku xigta ku hogaamiyay City horyaalka, Guardiola ayaa noqonaya tababarihii seddexaad ee Premier League ee difaacda horyaalka ka dib Sir Alex Ferguson iyo Jose Mourinho.

Taas ayaan keentay in tababaraha City uu abaalmarinta ka qaaday tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, kan Tottenham Mauricio Pochettino iyo macalinka Wolves Nuno Espirito Santo.

“Sharaf ayay ii tahay inaan ku guuleysto abaalmarinta” ayuu Guardiola ku yiri muuqaal uu duubay oo laga sii daayay cashadii xalay abaalmarinta lagu bixiyay.

“Waxaan doonayaa inaan la wadaago ciyaartoydeyda sababtoo ah iyagoo farxashan u ah wax walba, shaqaalaheyga sababtoo ah waxaan la soo dagaalanay tababarayaal badan oo Premier League ah gaar ahaan Jurgen Klopp oo ilaa dhamaadkii nala tartamayay.

“Farxad ayay ii aheyd inaan dhamaantood ka horimaado, waxaana rajeynayaa inana dagaalo sidaan u waa weyn galno oo aan ku guuleysano horyaal cajiib ah.”

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII