LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Sidee Ayay Noqon Doontaa Shaxda Chelsea Xilli Ciyaareedka Danbe Haddii Seddexdaan Xiddig La Soo Wareegaan Oo Uu Hazard Baxo

Chelsea ayaa wajiyo cusub lagu arki karaa xilli ciyaareedka soo socda haddii ay ku guuleystaan racfaanka ay u gudbiyeen maxkamada sarre ee ku aadan xayiraada ay FIFA ka saartay suuqa kala iibsiga.

Chelsea ayaa raadin doonta inay is xoojiyaan xagaagan ka dib xilli ciyaareed liita oo soo maray inkastoo ay soo galeen kaalinta seddexaad ee Premier League.

Kooxda Maurizio Sarri ayaa sidoo kale u soo baxday finalka Europa League oo ay la ciyaarayaan Arsenal laakiin Blues ayaa u baahan ciyaartoy cusub oo ay ku xoojiyaan boosaska qaar.

Si kastaba, kooxda ka dhisan galbeedka London ayaan awoodin inay la soo wareegaan ciyaartoy cusub suuqa kala iibsiga xagaaga iyo kan ku xiga ee bisha Janaayo ka dib markii ay ganaax kala kulmeen FIFA.

Chelsea ayaa lagu helay danbi ah inay si sharcidarro ah kula wareegeen ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 18 jiro oo aan Ingariis aheyn.

Racfaankii ay Chelsea u gudbisay FIFA waa la soo diiday laakiin waxa ay haatan kiiskooda u la tageen maxkamada sarre ee isboortiga CAS, waxaana ay rajeynayaan in xayiraada laga qaado ama in dib loo dhigo ganaaxa.

Haddii Blues ay ku guuleysto racfaanka, waxa ay suuqa kala iibsiga ka raadin doonta bedelka Hazard kaasoo mustaqbalka dhow ku biiraya Real Madrid.

Mateo Kovacic ayaa isna la filayaa inuu ku laabto Real Madrid marka uu heshiiskiisa amaahda ah dhaco halka Gonzalo Higuain uu ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed joogta ah soo bandhigo waxayna u badan tahay inuu ku noqdo Juventus.

Christian Pulisic ayaa ka imaan doona Borussia Dortmund ka dib markii uu heshiis 58 milyan ginni ku soo wareegay bishii Janaayo iyadoo xiddiga garabka ka ciyaara uu kooxda Jarmalka kula joogo heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Nicolas Pepe ayaa isna soo jiidanaya kooxo badan oo Premier League ah, waxaana Chelsea uga bixi karta saxiixa xiddigan 70 milyan ginni iyagoo kula dagaalamaya Manchester United iyo Arsenal.

Dhanka kale Mauro Icardi ayaa diirada u saaran Chelsea iyadoo xiddiga reer Argentina uusan ku faraxsaneyn Inter Milan halka Nicolo Barella uu ku dhawaa inuu kooxda ku biiro Chelsea lagana yaabo in xiisahaas uu dib u soo laabto xagaagan.

Ugu danbeyn Youcef Atal ayaa lagu qiimeeyaan 35 milyan ginni, xiddiga kooxda Nice ayaa tartan kula geli kara booska daafaca midig Cesar Azpilicueta haddii Chelsea loo ogolaado inay la soo wareegto 22 jirkaan.

Shaxda ay Chelsea ku soo shirtagi karto xilli ciyaareedka 2019/20

(4-3-3): Arrizabalaga; Atal, Rudiger, Christensen, Alonso; Jorginho, Kante, Loftus-Cheek; Pepe, Hudson-Odoi, Icardi

Source: laacib.org

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII