WARBIXIN: Rekoodhada & Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League, Saadaasha Afarta Kooxood Ee Soo Bixi Doona Iyo Jadwalka Ay Kooxaha Yurub Ku Ciyaari Doonaan.

0
32
powered by Surfing Waves

Xidhiidhka kubbada cagta yurub ee UEFA ayaa sameeyay isku aadka wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions league iyo waliba dariiqa loo marayo finalka tartankan oo lagu qaban doono caasimada dalka Spain ee Madrid. Kadib markii isku aadka Siddeed dhamaadka Champions league la soo saaray waxaa laysku sii aadiyay qaabka ay kooxaha soo baxaa u wada ciyaari doonaan afar dhamaadka Champions league.

Waxa kale oo ay UEFA si rasmi ah u shaacisay taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta hore iyo lugta labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions leauge waxaana sidoo kale la sii shaaciyay taariikhda min afar dhamaadka ilaa finalka Champions league la ciyaari doono.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta, rekoodhada iyo waliba xaqiiqooyinka wareega siddeed dhamaadka ee UEFA Champions league kuwaas oo ay suurtogal tahay in aanad ogayn sida ay taariikhda tartankan qayb uga yihiin.

Warbixintani waxay ka koobnaan doontaa xogta rekoodhada ciyaartoyda iyo waliba kooxaha iskugu soo hadhay Siddeed dhamaakda UEFA Champions league iyada oo dhamaadka aanu idiinku soo gudbin doono saadaasha afarta kooxood ee la filayo in ay afar dhamaadka u soo bixi karaan.

Ciyaartoyda Kulamada ugu Badan Soo Muuqday Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League

Andres Iniesta ayaa ilaa hadda ah xidiga kulamada ugu badan ka soo muuqday siddeed dhamaadka UEFA Champions League wuxuuna soo saftay 22 kulan waxaana ku sii xiga Ryan Giggs iyo Xavi Hernandez oo min 21 kulan ka soo muuqday siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Laakiin Lionel Messi oo hadda Barcelona ka tirsan ayaa 20 kulan oo siddeed dhamaadka UEFA Champions league ah soo ciyaaray halka ay isku mid yihiin Cristiano Ronaldo iyada oo waliba labadooduba ay qayb ka yihiin kulamada soo socda ee la ciyaari doono.

22-Kulan: Andrés Iniesta (Barcelona)
21-Kulan:
 Ryan Giggs (Manchester United)
21-Kulan: Xavi Hernández (Barcelona)
20-Kulan: Lionel Messi (Barcelona)
20-Kulan: Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid)

Ciyaartoyda Min Hal Kulan oo Siddeed Dhamaadka UCl Ah Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay

Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Gerard Lopez iyo Filippo Inzaghi ayaa ah afarta ciyaartoy ee kaliya ee hal ama in ka badan soo dhaliyay gool 3 ama ka badan ah. Lionel Messi ayaa ah xidiga haysta rekoodhka goolasha ugu badan ee hal kulan oo siddeed dhamaadka UCL ah isaga oo kulankii Arsenal ee 2010 kii afar gool ka dhaliyay.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa saddex jeer saddexley ka dhaliyay siddeed dhamaadka Champions league halka Gerard Lopez oo Valencia ka tirsanaa iyo Flippo Inzaghi ay min hal saddexley wareegan ka soo dhaliyeen.

4-Gool= Lionel Messi (Barcelona v Arsenal, 06/04/10)
3-Gool= Cristiano Ronaldo (Real Madrid v Bayern, 18/04/2017)
3-Gool= Cristiano Ronaldo (Real Madrid v Wolfsburg, 12/04/2016)
3-Gool= Ronaldo  Ronnaldo  (Man United v Real Madrid, 23/04/2003)
3-Gool= Gerard López (Valencia v Lazio, 05/04/2000)
3-Gool= Filippo Inzaghi (Dynamo Kyiv v Juventus, 18/03/1998)

Kooxaha Tirada Ugu Badan Ka soo Muuqday Siddeed dhamaadka UEFA Champions league:

Bayern Munich iyo Barcelona ayaa min 17 jeer ka soo muuqday wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League waxaana ku sii xigta Real Madrid oo 16 jeer u soo baxday wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

17-Jeer= Bayern München
17-Jeer= Barcelona*
16-Jeer= Real Madrid
14-Jeer= Manchester United*
12-Jeer= Juventus*

Riix 2,3,4,5 si aad xogta oo dhamaystiran u akhrisato:

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here